Xaflada Caleemasaarka Axmad Madoobe oo in mudo ah dib loo dhigaayay ayaa waxa la sheegay in la qaban doono dabayaaqada bisha danbe. Dib u dhiga caleemasaarka ayaa salka ku haysa sidii xal loogu heli lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii la qabtay 22ka bishan.
Golaha Wasiirrada Jubbaland ayaa go’aamiyay in xaflada Caleemasaarka la qabto 26/9/2019 Guddiga loo xilsaaray qaban qaabada xafladda caleemosaarka Madaxweynaha Jubbaland Axnmed Maxamed Islaam, ayaa kulanka golaha wasiirrada laga faray inay dar-dar galiyaan howlaha loo igmaday.
Waxaa la filyaa in calaama saarkaas ay ka so qayb galaan madax ka socota dalka gudihisa iyo dibadiisaba.