Xaflada Caleema saarka maamulka cusub ee degmada oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo xiray munaasabadda caleema saarka Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Caasimadda Galmudug ee Dhusamareb ee dhawaan la doortay.

Xafladaan oo ay ka soo muuqdeen siyaasyiin ka soo jeeda beesha Habargedir  ayaa waxa ay ahayd mid dhoolatus ah lagu soo bandhigay saameeynta maamulka Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Madaxweyne ku Xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, mudane Maxamed Nuur Gacal, Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee DFS, qaar ka mid ah xildhibaanada BFS, xubnaha Labada gole ee Dowladda Galmudug, Gud. gobolka Galgaduud, maamulka Caasimadda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda hambalyo uga diray gudoonka cusub ee la doortay, sidoo kalena ku bogaadiyay wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug oo juhdi badan ku bixisay dhismaha goleyaasha deegaanka iyo maamulka degmooyinka Galmudug oo ahmiyad weyn u leh Dowladda Galmudug.