Xafiisyada Xukuumadda & QM ee Soomaaliya oo ka wada hadlay taageerada DFS

Reading Time: < 1 minute

Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Subeer ayaa maanta Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ku qaabilay, Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan iyo Ian Martin oo ka socday Xafiisk Qaramada Midoobay ee New york.

Ugu horreyn Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Subeer, ayaa Wakiilada Qaramada Midoobay ee Muqdisho iyo New york ku soo dhaweeyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka Xoghaya iyo Wakiilada Qaramada Midoobay ayaa diiradda lagu saaray “sida hawlaha iyo taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu siiyo dowladda loola jaangoyn lahaa barnaamijyada xukuumadda cusub ay ahmiyadda siin doonto.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan iyo Ian Martin oo ka socday Xafiisk Qaramada Midoobay ee New york, iyaga oo ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha magacaabista Golaha Wasiirada oo lagu dhawaaqay 2-dii Augusta 2022.

Kulanka ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Lataliyaasha Ra’iisul Wasaaraha; Amniga Kamaal Guutaale, Xiriirka Caalamiga Dr Hodan Cismaan iyo Dib u Heshiisiinta Cali Cabdi Awaare.