Iyado ay socoto ololaha Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka aya waxa socda qorshayaal lagu doonayo in lagu fashiliyo qorshaha ay Xukumada ku doneyso in ay ku keensato Gudoomiye Daacad u ah.
Xukuumada Xasan Cali Kheyre aya wadata Musharax ay dooneyso in uu u fuliyo qorshayaasha ay ku doneyso afduubka Golaha Shacabka iyo fulinta awaamiirtooda.
Wasiirkii difaaca Xukumada Maxamed Mursal aya ah shaqsiga Xukumada Waxana Xafiiska Farmaajo uu wata Musharax Cusub oo lidi ku ah kan kheyre.
Loolan xoogan aya hada ka bilowday labada xafiis ee kheyre iyo farmaajo iyado shirar kala duwan ay ka socdaan Madaxtooyada waxana shirarkasi ay yihiin kuwa ay iskaga soo hor jeedaan Kheyre iyo Farmaajo.
Waxa lagu wada in 30-ka bishan ay dhacdo Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyado Musharaxiinta ay yihiin kuwa ay kala wataan Kheyre iyo Farmaajo iyo qaar ka mid ah xubnaha Maamul Goboleedyaada Dalka.