Xafiiska Xuquuqul-insaanka Puntland oo qoraal ka soo saaray xildhibaanadii laga qaaday xasaanada

Reading Time: < 1 minute

Qoraal maanta ka soo baxay Xafiiska Xuquuqul-insaanka Puntland ayaa lagu sheegey in aan sharci loo marin xasaanad ka qaadistii dhawaan baarlamaanka Puntland ku sameeyay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada mamulkaas. Sidoo kale koraalka aya lagu qeexay in Go’aankaas uu ahaa mid sharci darro ah,islamarkaana baal-marsan xuquuqda aadanaha,sidaas daraadeedana ay soo ejediyeen in ay dib u eegis lagu sameeyo.

Dhowr bilood ka hor ayaa aya ahayd markii Baarlamaanka Puntland ay xasaanadda kala noqdeen 8-xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaas,kuwaas oo loo jeediyay eedeymo kala duwan oo la xirrira jebinta xeer hoosaadka. Xildhibanada xasaanadda laga qaaday ayaa kala ahaa 1:C/Jamaal Cusmaan Maxamed 2: Saleemaan Faarax Ciise 3: C/qani Abshir Jaamac 4: C/raxmaan Maxamed Maxamuud 5: Muuse Siciid Xasan 6: Maxamuud Maxamed Barre 7: C/casiis Siciid Maxamuud 8: Maxamuud Axmed Caalim

Halkaan Ka Akhriso War-Saxaafadeedka