Xafiiska R/wasaare Kheeyre oo Abaabulaayo Mooshin lagu Burburinaayo Maamulka Hirshabeelle???

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa saxiiay Mooshin ka dhan Golaha Wasiirada cusub ee Hirshabeelle, kuwaasi oo Todobaadkan uu magaacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Xildhibaano tiro ahaan gaaraya 70 oo ku shiray Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan tirada Wasiirada aadka u badan ee uu magacaabay Madaxweyne Waare.

Xildhibaanadan ayaa waxa ay sheegeen in Mooshinkan ay maanta oo Jimco ah u gudbin doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, waxayna tilmaameen Hirshabeelle in aysan xamili karin Wasiiro tiradooda aad u badan.

Dhanka Kalle Warar hoose oo ay heshay Muqdisho Online ayaa waxaa ay sheegayaan In Mooshinkaasi Laga Abaabulaayo xafiiska R/wasaare Xassan Cali kheeyre islamarkaana la Rabo in Lagu Carqalad Galiyo Maamulka Hirshabeelle

Xildhibaan Maxamed C/raxmaan Khayre oo ka tirsan Hirshabeelle ayaa wuxuu sheegay hanaanka loo maray magacaabista in ay tahay mid qaldan, wuxuuna Madaxweynaha ku eedeeyay inuu ka baxay balamo uu xildhibaanada la galay.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Arbacadii ina dhaaftay magacaabay Gole Wasiir oo ka kooban 57 xubnood, iyadoo aanay ku jirin Wasaaradda Haweenka oo aanay wali cidna loo magacaabin.