Xafiiska RW Kheyre oo ka shaqaynayo in la wiiqo awoodda iyo madaxbanaanida xafiiska hantidhowrka Guud.

Reading Time: < 1 minute

Sida ka muuqato hindise sharciyeedka hantidhowraha guud oo ka gudbay akhrintii seddexaad lana qorshaynayay in maalinta sabtida ah loo codeeyo. Iyadoo waliba Guddiga maaliyadda ee gacanta ku hayay sharciga aay siiyeen madaxbanaanidii dastuuriga ahayd si waafaqsan qodobka 114 ee Dastuurka Qaranka. Sidaa si la mid ah si uusan xafiiska ugu milmin hayadda fullinta ayaa wuxuu warbixin joogta ah siinayaa golaha shacabka waana sida xafiisyada habdhowrayaasha caalamka u shaqeeyaan.

Haddaba si loo yareeyo awoodda xafiiska habdhowraha oo uusan u madaxbanaanaan loolana xisaabtamin haydaha dowladda ee hayadda fillinta iyo xafiiska RW aay ka mid yahiin ayay MOL waxay heshay xog ah in Xafiiska RW uu arrintaan aad uga soo horjeedo, waliba xildhibaan ku shaqaynayo qaab beeleed oo ah xildhibaanada Beesha Murudsade oo uu horboodayo xildhibaan Xuseen iidow ayuu si joogta ah u wacayaa xildhibaanada golaha shacabka ilaa iyo xalay.

MOL waxay la hadashay ilaa tobaneeyo xildhibaan oo aay xildhibaanada Beesha Murudsade la hadleen. Haddaba sharcigan oo ah sharci dhaxal reeb ah oo Dalka u harayo muxuu RW Kheyre uga baqayaa. Halheyska RW Kheyre aya ahaa “Waa in lala xisaabtamaa dhammaan hay’adaha dowladda”

Waxa xildhibaanada golaha shacabka ay is weydiinayaan waxa ku kalifayo RW Kheyre in uu is hortaago sharciga hantidhowrka.