Xafiiska Raiisul Wasaare Kheyre oo Gabay Howlihi Qaranka&Xukuumadii oo Isku Badashay Mooshin Raadis

Reading Time: < 1 minute

Waxa isasi taraya fashilka heysta Xukuumada iyo Weerarka ay ku hayan Golaha Shacabka iyado dhaqamada iyo howlihi Wasiirada ay gabi ahanba ay joogsadeen.

Raiisul Wasaare Kheyre aya howlihi loo idmaday ee qaranka ku badalay Mooshino isago xafiiskiisa ay buux dhaafiyeen Xildhibaanada qeybta ka ah Mooshinka Gudomiye Jawaari.

Sido kale waxa istaagay Howlihii ay wadeen Xaafiisyada Golaha wasiirada iyado ay dad badan u xayiran yihiin xafiisyada Wasiirada waxana ay dhaman Wasiiradu ay ku milmeyn Mooshinka ay Xukuumadu wado.

Iyado ay xayirmeen howlihi shaqo ay wadeen Wasiirada waxa arintaasi ay saameysay boqolaal dad ah oo howlo muhiim ah ugu baahna Xafiisyada Wasiirada.

In howlihi qaranka lo joojiyo Mooshino lagu burburinaayo Golaha Sharci dajinta qaranka waxana weli taagan kulamo kasocanayo oo loga gol leyahay burburinta golaha sharci dajinta iyado xildhibanada la donayo in la kala diro.