Xafiiska R/wasaare Kheeyre oo isku Bedelay Golaha Odayaasha Hawiye ka dib Loolan Qarsoon oo Bilaawday

Reading Time: < 1 minute

iyadoo ay jiraan loolano siyaasadeed oo aad u adag ayaa haatan waxaa mashquul aad u badan uu ka jiraa xafiiska R/wasaare Xasan Cali Kheyre isagoo kulamo kala duwan la qaadanaayo odayaal dhaqadeedyada hawiye isagoo kulamadaasi ku bixiya lacago uu ku doonayo inuu taagero uga helo odaayaasha iyo wax garadka hawiye

xukuumada uu horkaco kheyre ayaa waxaa lagu tilmaamaa iney tahay xukuumadii ugu daciif saneeyd ee soomartay dalka iyo ineysan sameeyn wax hormar ah tan iyo markii la dhisay taasoo keentay haatan inuu raadiyo dad calooshood u shaqeeystayaal ah kuwaasi oo taageera xukuumadan fashilka iyo fadeexada dhexda kaga jirta.

xogo ay si hoose ay MOl uga heshay xafiiska kheyre ayaa tilmaamaya in markaan uu dareemay in lagu soo wajahan yahay xukuumadiisa oo ay xildhibaanada barlamaanka soomaaliya ay ka diyaarinyaan mooshin ka dhan ah xukuumadiisa si loo helo xukuumad tayo leh oo ka wanaagsan mida haatan jirta.

isku soowada duuboow arrintani ayaa imaaneysa xilli la fahamsanyahay inuu diyaarsan yahay mooshin looga soo horjeedo xukuumada kheyre xilli isaguna uu haatan diyaar uu u yahay inuu odayaal ka tirsan beesha hawiye lacago uu siiyo si’ay u taageeran fashilka iyo fadeexada ay kheyre iyo xukuumadiisa ay wadeen kaasi oo loo arko iney tahay mid lagu duminayo dalka soomaaliyeed