Xafiiska R/wasaaraha oo lagasoo diray Fariin Lagu sheegaayo in la Dilo Wariye Caan ah ka dib Markii uu Gudbiyay Xog-Qarsooneed (Aqriso Warbixinta)

Reading Time: < 1 minute

Wararka aynu heleeyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Fariimo Hanjabaad ah looga diray Wariye Cabdalle Axmed Mumin,kaasi oo dhawaan warar la xariira dhacdooyinkii ugu dambeeyay la wadaagaayay BBC iyo The Guardian.

Wariye Cabdalle Axmed Mumin, ayaa sheegay in uu helay Fariimo loogu hanjabaayo,oo kazoo gaaraya xafiiska R/wsaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheeyre,sida ay xogta ku heleeyso MUQDISHO ONLINE wariyaahani ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ku noolaa Dalka Dibadiisa.

Wariyahan ayaa dhawaan soo gudbiyay dhowr waxyaabood oo warar ah oo ku saabsan weerarkii lagu qaaday guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde  Ee  Degmada Janaale, gobolka Shabeellaha Hoose.

Sababta ugu weeyn ee loo beegsanaayo wariyahaan  ayaa lagu sheegay  in  tahay soo bandhigista Cabashooyin ay u gudbiyeen Ciidamadda Xoogga  Dalka Soomaaliyeed oo ka dhan aheed R/wasaaraha Soomaaliya.

Soomaaliya waxay weli tahay meesha ugu khatarta badan saxafiyiinta aduunka, waana arrin aan macquul ahayn in hanjabaad iyo cabsigelin ka dhan ah suxufiyiinta laga soo diro Xafiiska Madaxda ugu sareeysa dalka.

Ururka suxufiyiiinta qaranka  oo ah ilaaliye xor ah oo wariyaal oo heer caalami ah ayaa sheegay in ay ka welwelsan yihiin heerarka sii kordhaya ee khatarta iyo weerarrada ka dhanka ah suxufiyiinta.