Xafiiska R/wasaaraha oo Abaabulaya qorshe Saxaafada looga Joojinaayo Kulamada BFS

Reading Time: < 1 minute

Qorshe la doonayo in gebi ahaanba Warbaahinta looga mamnuuco kulamada Baarlamaanka ayaa socda, iyadoo arrintan ay wadatashi ka leeyihiin Xafiisyada ugu sareysa dalka, sida Xafiiska Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulamada Baarlamaanka ayaa waxaa tabin doona oo Wakaaladda Wararka ee SONNA sida qorshuhu yahay, waxaana laga mamnuuci doonaa gebi ahaanba Telefishinka Madaxa banaan oo uu ku jiro kan dowladda SNTV.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib kulankii Baarlamaanka ee Sabtidii buuqa ku dhamaaday, lana isku qabsaday in Saxaafadda dibadda loo saaro iyo inay joogto, kardib markii loo codeeyay in Saxaafadda banaanka looga saaro kulanka Amniga.

Haddii arrintan dhaqan gasho waxay noqoneysa markii u horeysay oo dowladda xadido ama mamnuucdo dhaq dhaqaaqq Warbaahinta madaxa banaan ee xaqa u leh inay wararka ka helaan hey’addaha dowladda.