Xafiiska Madaxweyne Farmaajo oo Laga soo Abaabulaayo Duulaan siyaasadeed oo ka dhan ah Axmed Madoobe

Reading Time: < 1 minute

Dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay waxaa magaalada muqdisho ka taagnaa Qaban-qaabadda iyo qorsheeytan shirar lagu burburinaayo jiritaanka Maamulka Jubbaland kaasi o lagasoo Abaabulaayo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Faarax Macalin oo ku Beel ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland islamarkaana Mar Kenya kazoo Noqday Ku Xigeenka Baarlamaanka ayaa Muqdisho Ku Sugan waxaa uu  la kulmayaa xildhibaanadda iyo wasiiradda Maamulka Jubbaland kazoo jeedo kuwaasi oo uu ku qancinaayo,in axmed Madoobe Duulaan siyaasadeed lagu qaado.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo ayaa arintaani lagu qalqal galiyo Maamulka jubbaland waxaa uu kazoo abaabulayaa dah gadaashiisa,waxuuna u Faarax u wakiishay Fulinta arintaani.

Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu Madaxweyne ka noqday Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa ay Weerar siyaasadeeysan ku qaaday Maamul Goboleedyadda Dalka ka Jira Sida,Hirshabeelle,Galmudug,Koonfur Galbeed,iyo Hadda oo Jubbaland lagu Jaheeystay