War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dalka Masar C/Fitaax Al Sisi ayaa looga warbixiyay wadahadal dhinaca Taleefanka ahaa oo dhexmaray Madaxweynayaasha Masar iyo Soomaaliya.
warbixinta uu siidaayay Xafiiska Madaxweynaha Dalka Masar ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Masar,waxaana ay labada madaxweyne ka wada hadleen xiriirka labada dalka iyo taageerada Masar ee Soomaaliya.
MW Farmajo ayaa aad u raadinaya cid uu u kaashado ka bixidda qaska dibolomasiyadeed ee dawladdiisa sida caqlidarrda ah u gashay iyo sidii uu kaga bixi lahaa. Waxaana bilowday in madaxda dunida carabta qaarkood telefoonno ay Madaxtooyada ku raadineyso beryahan. Horaba waxaa soo ifbaxaya dherbaaxo xoog leh oo ay ugu horreysay tii uu kala kumay shirkii Jaamacadda carabta oo xataa loo diiday MW Farmajo inuu masraxa soo koro oo uu khudbad ka jeediyo halkaas.
Madaxweynaha dalka Masar ayaa u ballanqaaday dhiggiisa Soomaaliya in Masar ay sii wadeyso kaalmada bani’adamnimo,midda farsamada iyo dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in intii Soomaaliya ay ku jirtay bur burka iyo dagaallada sokeeye ay Dowladda Masar kaalmo dhinacyo badan leh siisay Dowladda Soomaaliya isaga oo sii ballan qaaday in Masar ay halkeeda ka siiwadi doonto kaalmada ay siiso Soomaaliya.
Dhinaca Madaxweynaha Masar waxaa uu dowladda Masar uga mahad celiyay sida ay uga qeyb qaatay horumarka Soomaaliya iyo xasillooni soo celinta Dalka Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa dhawaan kawada qeybgalay shirkii Jamaacadda Carabta ee ka dhacay Magaalada Dhahraan ee Dalka Sucuudiga,inkasta oo kulan waji ka waji ah uusan dhexmarin haddana Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Teleefanka kala hadlay dhiggiisa Masar markii uu dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynayaasha Masar iyo Soomaaliya ayaa kulmay Bishii August ee Sanadkii hore markaan oo uu madaxweynaya Soomaaliya Maxamed Cabduullahi Farmaajo booqasho ku tagay Caasimadda Masar ee Qaahira.