Xafiiska Kheeyre oo dadaal ku bixinaayo sidii xabsiga loogu sii heeyn lahaa Wariye Dowlada u xiran

Reading Time: 2 minutes

Wararka ay Caawa heleyso MOL  ayaa sheegayo in dhallinyaro ka tirsan Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay wadaan olole ay ku doonayaan in looga laabto go’aankii Maanta kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ee ku aadanaa Kiiska Wariye Cali Aadan Muumin.

Cabidraxmaan Saciid Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta soo saaray xukun ku saabsan Kiiska loo heystay Wariyaha Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna amray in lasii daayo marka uu dhamaado Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Soomaaliya oo ku eg Maalinta JImcaha ah.

Dhallinyaro goys ka heysto Ra’isulwaare Kheyre kana tirsan Xafiiskiisa ayaa Caawa wacay Cabidraxmaan Saciid Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxayna cadaadis ku saarayaaan in laga laabto xukunkii lagu riday Wariye Cali Aadan Muumin.

Dhallinyaradaas oo la aaminsan yahay inuu gadaal ka riixayo Ra’isulwasaaraha ayaa Garsoorahaas ku amray inuu racfaan ka furo xukunkii Wariye Cali Muumin isla markaasna aysan ku qanacsaneyn xukunkaas.

Xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa hanjabaad culus u diray Garsoore Cabidraxmaan Saciid Axmed oo ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir haddii uu ka laaban waayana go’aankaas laga qaadi doono tallaabo ka dhan ah xilkiisa.

Dhallinyaradaas ka tirsan Xafiiska Kheyre ayaa Garsooraha ugu hanjabay inay Xamar ka ceyrin doonaan maadaama uu isaga kasoo jeedo Deegaanada Somaliland haddii uu sameyn waayo arrinta Sharci darada ah oo ay rabaan.

Sida uu garyaqaan ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir u sheegay MOL, mar haddii ay maxkamadda gaarto go’aan isla markaasna aan isla fadhigaas looga dhawaaqin inuu racfaan ka furan yahay uu sidaas ansax ku yahay go’aankaas isla markaasna meeshaas lagu xirayo feylka fal dambiyeedkaas.

Garsoore Cabidraxmaan Saciid Axmed marka uu ridayey Xukunka Wariye Cali Aadan Muumin ma uusan sheegin inuu dambiile yahay iyo in kale, Sidoo kalana go’aankiisa wuxuu ku saleeyey inay eedeyn uga timid Xafiiska Baratakoolka Madaxweynaha, Booliska iyo Wasaaradda Waxbarashada.
Sidoo kale waxaa xusid mudan i

nuusan wax racfaan ah ka furin go’aanka uu Maanta ka gaaray Kiiska Wariye Cali Aadan Muumin oo si sharci darro ah ay u xirtay Dowladda Soomaaliya.

Sida ay MOL xogta ku heshay Dhallinyarada ka tirsan Xafiiska Ra’isulwasaare Kheyre ayaa Wariye Cali Muumin horey uga codsaday inuu kala shaqeeyo aflagaadeynta Mus’uuliyiinta fikir ahaan kasoo horjeedo dowladda balse Cali Muumin ayaa arrintaas ku gacan seyray, wuxuuna u sheegay inuusan marnaba diyaar u aheyn aflagaadeynta.

Dhallinyaradaas ayaa Cali u sheegay inay u geyn doonaan Ra’isulwasaaraha isla markaasna la siin doono lacag ka badan midda uu ka qaato Idaacadda uu ka tirsan balse Cali ayaa arrintaas diiday sida ay MOL u xaqiijiyeen xubno aad ugu dhow Cali.

Madaxda ugu sareeyo dalka ayaa Social Media-yaha u isticmaalo in lagu aflagaadeeyo Siyaasiyiinta horey xilalka uga soo qabtay Soomaaliya, waxaana wax lala yaabo ah inay dad maxkamad u geyso inuu Facebook wax kusoo qoray iyadoo la ogyahay in Dowladda ay lacag ku bixiso in Baraha Bulshada lagu aflagaadeeyo cid kasta oo ay u aragto inay kasoo horjeedo danaheeda Siyaasadeed.

Ururada kala duwan oo ay shaqadooda tahay ilaalinta Xuquuqda Suxifiyiinta ayaa horey u cambaareeyey falkii sharci darada ahaa ee lagu xiray Wariye Cali Aadan Muumin, waxayna tallaabada ay wadaan dhallinyarada Xafiiska Ra’isulwasaaraha muujineysaa heerka ay gaarsiisan tahay caburinta ay Dowladda ku heyso Xuriyadda hadalka.