Xaaska MD Farmaajo, Zeynab Cabdi oo lacag joogta laga siiyo Cashuuurta…

Reading Time: 2 minutes

Xaaska Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ay xiriir hoose la yeelatay madaxda Cashuur Aruurinta ee Wasaaradda Maaliyada iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaraddaha.

Warar hoose oo ay heshay shabakada Mogadishu Online (MO) ayaa xaqiijiyay in Muxyadiin Saabeey oo madax ka ah waaxda cashuur arurinta in labadii asbuciiba uu u geeyo lacag kor u dhaafaysa $45,000. Muxaydiin Saabeey ayaa waxa uu ka mid yahay dadka kooban oo aan laga celin guriga Madaxweynaha galabkii ama habeenkii waqtiga ay doonto ha noqoto.

Sida aan xaqiijinay Muxyadiin Saabeey ayaa ah qof aan marnaba laga celin guriga madaxweynaha iyo aragtida Madaxweynaha. Mid ka mid ah oday dhaqameedka ka soo jeeda Muqadishu ayaa u sheegay MO “marka aan u baahano madaxweynaha, Mudane Saabeey ayaa albaabada noo furo si fiicana waan na loo qaabilaa”.

Sidoo kale waxaa isna lacag joogta ah geeya guriga Xaaska Madaxweyne Farmaajo Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur). Dhagaxtuur oo ah Agaasimaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dekadaha ayaa isna waxa uu xiir hoose la sameeystay Xaaska Madaxwaynaha. Sida uu isagu sheegay waxaa uu marwada u geeyaa lacag joogta ah. Dhagaxtuur ayaan marnaba laga celin guriga Madaxweynaha waxaana uu si toos ah ugu xiran yahay xaaska Madaxwaynaha.

Muxyadiin Saabeey iyo Dhagaxtuur oo lagu yaqaan tuuganimo iy musuq-maasuq ma aha markii ugu horeeysay oo ay Xaasaska Madaxwaynaha u qidmeeyaan. Xiligii Madaxweyne Xassan Shiikh, sidaan iyo si la mid ah ayaa ay lacag ugu gayn jireen xaasaska Madaxweyne Xassan Shiikh.

Mid ka mid shaqaalaha xafiiska madaxnaha ayaa sheegay in Xaaska Madaxyahaya Zeynab Cabdi ay amar ku siisay in aan marnba guriga laga celin karin Saabeey iyo Dhagaxtuur.

Saabeey ayaa isaga oo la hadlayo saaxibadiisa ku yiri “Bilcaanta, Zeynab waa qof baahi hayso waana loo khidmaynayaa anaga waan ku danaysanaynaa”. Waxa uu ku daray “yaa inta ay joogeyso amay taqaan waa in ay wax qabsataa, dowladnimadu waa transit “

Sida aan la socono labadaan mas’uuul waa labaada agaasime kaliya ee aan shaqada laga joojin ama aan la ogolaynin in si hufan loogu tartamo jagoojinkaas.

Mid ka mid ah aqoon yahanka Muqadishu ku nool ayaa yiri “labadaan shaqsi waxaa loo istcimaalaa in ay dhacaan hantida qaranka, waana nasiib xumo in Xaaska Madaxweyne Farmaajo ay si cad ugu tagri fasho hantida shacabka laga soo ururiyay”