Waxaa maalinba maalinta ka danbeeysa isa soo taraya awooda ay Xaaska Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Marwa Zeynab Cabdi Macalin ku leedahay talada dalka.
Sida ay u sheegtay dadka ku dhaw-dhaw Marwada, Iyada oo ka damqanaysa laciifnimada iyo talo xumadda MD Farmaajo ayaa Marwa Zeynab Cabdi waxa ay la timid dar dar hor leh oo ay si toos ah ula wareegtay taladii dowlada. Waxaana ay u muuqataa mid fakarkeedu ku saleeysan yahay qabiil. Waxa ay dhawaan ku guulaysatay in ay magacaawdo madaxa ama xiririyaha hay’ada isgaarisiinta qaranka Cabdi Shiikh Roble oo ay qaraabo hoose yihiin.
Zeynab Cabdi waxaa ay kaloo ay si aan gabasho lahayn talo ugu leedahay dhamaan go’aanada ka soo baxa madaxtooyadda. Mid ka mid ah howladeenada sare ee madaxtooyadda ayaa sheegay in MD Farmaajo uu talo kastoo oo loola tago uu ula noqdo xaaskiisa Zeynab. Howladadeenkaan ayaa yiri “maba xumo in uu xaaskiisa la tashado laakiin caqli ma aha in MD Farmaajo talo ka raadiyo qof aan wax badan ka aqoonin dowladnimdda”
Waa markii u horeeysay oo MD Soomaaliya taladii isaga loo doortay ay la wareegto xaaskiisa. Qaar ka mida ah ehelada Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegayo in go’aanada qaldan ee uu qaato Madaxweynaha ay ka tmid xaaskiisa. Si kastaaba ha ahaaatee waxaa nasiib xumo ah in taladii dalka ay maanta ku soo noqotay xaaska Madaxweyne Farmaajo.
Iyada oo la hadlayso qabiilka ay ka dhalatay ayaa waxa ay Marwa Zeynab tiri “Xassan Kheyre aniga ayaa ka dhigay Ra’isal Wasaare, aniga inta aan go’’aankiisa ka garaayana waa joogayaa, kuwa ku hadaaqayo Kheyre iyo Farmaajo waa dagaaleen ha ogaadeen go’aanka ugu danbeeya aniga ayaa uu iga imanayaa”