Xaalka Amaanka Magaalada Muqdisho oo Noqday (Adoo Hoyan Wayay Malagu Soo Hoyday)

Reading Time: 2 minutes

Waxa Dhawaanahan xirnaa Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho iyado Magaalada lo yeelay Qad cagaaran oo dadka lagu kala qeybiyay,waxa ayna saameyn xoogan ku yeelatay dadka Shacabka ah ee Muqdisho ku sugan.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladu ay magacaawday taliska ciidanka booliska iyo Nabad Sugida ah iyado durba marki ay xila la wareegeyn ay dowladu ku sigatay in gudaha logu galo Xarunta Madaxtoyada iyado weerar iyo qaraxyo ay duba xilagaasi dhaceyn halis badana ay galayn Madaxda ku sugneyd Madaxtoyada.

Ka Dib Dhacdadaasi waxa bilaabatay in xaalad adag lagu so rogo Magaalada Muqdisho iyado siyaasad xumadaasi ay dhibaato adag ka so gaartay boqolaal dad shacab ah oo donayay in magalada ay isu gooshan waxana dhibatoyin adag ay so gartay dadka bukaanka ah ee ka balansana isbitalada ku yala isgoysyada ay xiratay dowlada.

Shacabka ku dhaqan muqdisho aya siyaabo kala duwan ugu falceliyay dhacdadan barta lagu xiriiro ee Facebook,waxa ayna isntoda badan shegayen in Taliskan cusub uu wax badan ka daray Taliskii hore ee Sanbaloolshe uu hogaminayay.

Sanbaloolshe aya magaalada Muqdisho Galiyay cariiri iyo in gawarida aysan gali karin xafada gala jidadka Muhiimka ah ee Muqdisho isago dhagxaan ku xiray wadooyinka soo gala lamiyada Muhimka ah,tiiyo weli la isticmaalo aya waxa so siyaday in Muqdisho laba loo qeybiyo sidi hogamiyo kooxedki Qabaailka xiligi Dowlad la’aanta.

Waxa lumay amniga oo an muuqan wado wangsan oo dadka dhibaatano ku ahyen in dowladan ay ku xaliso,Amniga waa hal qabsiga koowaad ee Madaxweyne Farmaajo uu Warbahinta maalin walba kaga soo muuqan jiray isago ku faani jiray in amniga uu wax ka qaban doono iyado Intii uu xilka hayay waxa dhacay weeraradi ugu dhimashada badnaa ee Muqdisho ka dhacay.

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahda (Adoo Hoyan Waayay Malaguu Soo Hoyday) Amniga Muqdisho oo liitay lana badalay saraakiil waxa weli muuqata in uu kasi daray xaalkuna uu umuuqdo mid halis badan ay ku jirto in gudaha loo dhaco Xarunta Madaxtoyada Soomaaliya.

Al Shbaab aya qabsaday balcad oo ku dhawaad 36 kiilo mitir ka xigta woqooyiga Muqdisho wana halis kala oo amanka guud ee dalka soo foodsarta,hadan meel iska dhigno hadalka madaxweyne Farmajo ee dagaalka al Shabaab.