Jahwareerkii siyaasadeed ee Magaaladu ku jirtay waxaa haatan ugu siyaaday qal-qal iyo cabis laga qabo in dagaal uu ka qarxo Magaalada.
Habeen kahor ayaa waxaa Xaflad soo dhaweyn ah Dhusuamareeb loogu qabtay Gudigga dowladdu soo magacowday, waxaa lagu casuumay Duqa Magaalada Dhuusamareeb, laakiin ma uusan imaan.
Shalay isla hoolkii ayaa munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay gudigii Sheekh Shaakir uu magacaabay, duqa Caasimada Galmudug waa uu ka soo qeybgalay, waxaba u sii dheereed in uu dadkii magaalada isugu keenay halka ay munaasabadu ka dhaceysay, taasi oo ka dhigtay bandhigii kooxda Sheekh Shaakir mid ka sareeya kii Nabad iyo Nolol.
Kooxda Nabad iyo Nolol ay u soo dirsatay Abaabulka iyo Jahwareerinta ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo wacay duqa Magaalada Dhuusamareeb waxana ay ugu hanjabeen in xilka laga qaadi doono maalmo gudahood.
Makhribkii Xalay ayaa Magaalada laga maqlay rasaas haldhinac ka imaaneysay, waxana la sheegay in Rasasaastaa uu riday Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo ilaalo ka ahaa Xarunta Shiirkoole oo ah goob ay Dowladu gacanta ku heyso, una dhow dhismaha Inji oo ay degan yihiin Maxada Ahlu Sunna.