Xaalada Magaalada Dhuusa-maree oo degan ka dib Ciidamo Shalay Gudaheeda la soo dhoobay

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caadimada Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in magaalady ay tahay mid degan ka dib shqaaqo Shalay magaalada laga dareemay.

Shalay ayaa waxaa Magaalada la soo dhoobay Ciidamo aad u qalabaysan ku waa oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaalia waxaana ay xireen isku socodka gaadiidka iyo Magaalada Dhuusa-mareeb.

Magaalada ayaa waxaa isku haya Madaxada Maamulka Ahliusunna iyo Dowlada Federaalka Soomaalia waxaana hada laysku hayaa cida Xukmaysa Magaalada Maadaama ay Labo Madaxweyne ay hal Magaalo isla joogaan.