Xaalada Magaalada Baydhabo oo  kacsan ka dib markii ciidan ka amar qaata Sadaq Joon la geeyay

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta ka dhabeeyay qorshahiisii ahaa in uu ciidan xaqiijiya guusha Cabdicasiis Lafta gareen la geeyo  Magaalada Baydhabo.

Waxaa maanta la geeyay magaalada Baydhabo ciidan hor dhaca ah oo ka socda hay’adda Nabad Sugida Qaranka ee NISA laakiin loo soo labisay dharka Booliska. Ciidanka ayaa ujeedada rasmiga ah ee laga leeyahay tahay in ay ku abuuraan cabsi shacabka iyo xildhibaanada Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed.

Shacabka iyo siyaasiyiinta ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa maanta walwal ka muujiyay in dagaal ka dhaco Baydhabo kaas oo ay macquul tahay in uu sababo in doorashada dib u dhacdo.

Talabada uu maanta qaaday Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa ay tusaale cad u tahay sida uu ula dhaqamayo dadka ku dhaqan deegaanka Koonfur Galbeed.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!