Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gudaha dalka Itoobiya ciidamda ismamuulka Oromada ee ka amar qatar Abiy Axmad Xidhen Lidetu Ayalew oo ah Guddooyaha Xisbiga lagu magacaabo Ethiopian Democratic Party (EPD). Gudoomiyaha ayaa lagu eedeeyey inuu abaabulay iyo maal galiyey dibad baxyadii shalay ka dhacay degaanka Bishoftuu oo udhow magalaada Addiss Ababa.
Xidhen Lidetu Ayalew ayaa waxaa uu kamid yahay siyaasiyinta ugu magac dheer qomiyada Oromada, waxana lagu jir dilay mid kamid ah Xabsiyada Qarsoodiga ah loogu jir dilo siyaasiyinta xukuumada Abiy Ahmed ka soo hor jeedo. Waxaa muuqato in Abiy Axmad go’aansaday in uu beegsado siyaasiyinta Oromada ah ayaa si dardar leh ku socda, halka kuwa Xabishida ee nacaybka Muslimiinta iy Oromada ku caan baxay lasoo fadhiisinayo TV-yada dowlada ay kasoo caytamatayaan.