Xaalada Amni ee Dhuusa-mareeb oo laga dayrinayo&Ahlusunna oo Dhaqdhaqaaq Ciidan bilaawday

Reading Time: < 1 minute

Waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan Dhaqdhaqaaq Ciidan oo ka bilaawday Magaalda Dhuusa-mareeb waxaana Dhadhaqaa wada Ciidamo ka amar qaata Maamulka uu hogaamiyo Sheekh Shaakir ee Ahlusunna Waljameeca.

Ciidamadaa ayaa waxaa la soo sheegayan in ay ku suganyihiin gudaha Magaalada ayna wadaan Howlgalo ay sheegeen in ay Amaanka ay ku xaqeejinayaan.

Dhuusa-mareeb ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka amar qaata Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Maalmo ka hor Madaxweyne loo doortay waxaana sidoo kale Magaalada Dhaqdhaqaaq ka wada Ciidamo Dowlada ka amar qaata kuwaa oo la sheegay in aad u adkeeyeen Sugida Amaanka Dhuusa-mareeb taa oo Beri marti gelinaysa Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!