Xaalada amni ee deegaanada dhaca Gobolka Shabeellaha Dhexe

Reading Time: < 1 minute

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dilal kala duwan ay ka dhaceen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe,kuwaas oo loo geystay dad Shacab ah oo ku noolaa deegaano ka tirsan gobolkaas.

Maleeshiyad hubeysan ayaa laba ruux oo dhalinyaro ah waxa ay ku dileen deegaanka Mukay-Dheere oo hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana dad deegaankaas ku sugan ay sheegeen in ay la xiriiraan aanooyin qabiil.

Wararka kale aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in mas’uuliyiin ka tirsan Mamulka degmada Balcad ay wadaan qorsho ku aadan sidii xal looga gaari lahaa dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee ka bilaawday deegaano ka tirsan degmada Balcad.

Dhinaca kale shalay ayaa askari ka tirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya waxa uu Haweeney la sheegay inay aheyd Ganacsato ku dilay deegaanka Ceel Macaan,isaga oo intaasi kadib baxsaday.

Haweeneyda ayaa waxaa Magaceeda lagu sheegay Naciimo Axmed,waxana dilka uu yimid kadib markii askariga ay weeydiisay lacag ay ku laheyd,hayeeshee muran dhex maray kadib uu rasaas ku furay sidaasina ay ku geeriyootay.

Dilalka saacadihii la soo dhaafay ka kala dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe weli kama hadlin mas’uuliyiinta Maamulka gobolkaas,hayeeshee waxaa socda qorsho lagu xalinaayo si xiisad weyn aysan u dhalin.