Xaalada Amni ee Boosaaso oo laga dayrinayo ee wax garadka oo war soo saaray

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaarayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in amniga magaalada uu faraha ka sii baxayo,islamarkaana ay sii kordhayaan dilalka qorsheysan ee magaaladaasi ka dhaca.

Waxgaradka Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in markale uu dagaal ka dhaco Magaalada Boosaaso, ka dib markii Ciidanka Puntland iyo Maleeshiyaad hubeysan ay ku dagaallameen Boosaaso.

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo Culimadda oo kulan ku yeeshay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland ay ugu baaqayaan in uu joojiyo Ciidamada dheeraad ah ee uu kusoo daabulaayo Boosaaso taaso badalkeena loo baahan yahay Nabad.

Waxgaradka waxay ka digeen ficilada socda, dawladnimada ayay kubaaqeen in aan la suurad xumeynin, dhacdooyinka qaarkodna waxay sheegeen in ay ka walaacsan yihiin.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!