Xili ay Hay’adaha ammaanka ay ku mashquuleen Mooshinka ka yaalla Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari aya waxa magaalada Muqdisho ka dhaca qaraxyo,dilal,weeraro qarsoon,iyo caafimad ahan la isku weeraro.
Cabsi xoogan aya so fodsartay Maamulka sare ee Madaxtoyada Soomaaliya iyado dhowr mar sanadkan weeraro logu dhawaday,aya waxa so fodsartay Cabsi xoogan oo ka tagan Madaxtoyada Soomaaliya.
Ammaanka wadada hormarta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad loo adkeeyay, kadib markii shalay uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah Kontoroolka isgoyska Sayidka oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Ilaalada Madaxtooytada Soomaaliya ee Koofi guduuda.
Difaacyo cusub ayaa lagu kordhiyay kuwii hore ee halkaasi ka sameysnaa, waxaa manta lagu arkayay wadada hormarta Madaxyooyada Soomaaliya, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Sayidka iyo Xaawo Taako, iyada la dhigayay Dhgaxyo cusub oo Difaacyo ah.
Ciidamada Koofi guduuda ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu kordhiyay wadadaasi, waxaana Ciidamada ay kordhiyeen baarista gawaarida yar yare ee ay wataan xubnaha ka tirsan Dowladda, kuwaasi oo horey aanan loo baari jirin.
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si hoose inoogu sheegay in ay kordhiyeen sugidda ammaanka wadooyinka ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, maadaama Shabaab bishan iyo bishii ka horeysay ay weerar la eegteen meel ku dhow Villa Somalia.