Xaalad Halis ah oo ka jirta Wadada Xariiriso Muqdisho iyo Baydhabo (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Wadada isku xirto Magaalada Baydhabo iyo Muqdisho ayaa waxaa imanka ka taagan xaalad aad halis ah,waxaana haweenka loo geeysanayaan kufsi joogto ah iyadoona lagala degaayo gadiidka ay saaran yihiin.

Gaadiidleeyda ayaa MOL u sheegay in dhac,baad iyo kufsi haweenka loo geeysto ay kala kulmaan wadadaasi,waxaana falalkaasi ku kacaaya Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada gaar ahaan kuwa milatari ah oo joogo,sidoo kale kooxda Al-shabaab ayaa dadka ku dhibaateeyso wadadaasi.

Waxaa ay sheegeen in ay cabashooyin dhowr jeer u gudbiyeen Maamulka K/galbeed Hase’yeeshee aan waxba laga qaban,Al-shabaab ayaa mararka qaar u maciinto dadkaasi iyadoo ka celiso Ciidamada Kufsanaya haweenka sida uu MOL u sheegay mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka.

Arintaan ayaa waxaa ay qasabtay in Dadkii shacabka ahaa wadadaasi mari jiray in ay ka go’aan oo ay diyaarado raacaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!