Xaalad Cakiran oo caawa ka dhex jirta hogaanka B/lamaanka iyo Kheyre

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa caawa waxa loo diray fartiimo kala duwan oo isburinayo kuwaas oo la xiriira shirka baarlamaanka ee maalinta Berito ah loo balansanaa.

Sida ay sheegayaan Warar lagu kalsoon yahay waxa Caawa kulan xasaasi ah uu u socdaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal iyo Labadiisa Ku-xigeen oo kala ah Xildhibaan Cabdiweli Muudey iyo Xildhibaan Mahad Cawad.

kulanka oo mudo saacado ah socday ayaan wali wax natiijo ah ka soo bixin. MW Farmaajo ayaa u muuqda mid ay talada gacantiisa ka baxday ka dib markii xasan kheyre uu si aan gabasho lahaynin uga horyimid qorshaha Farmaajo ee doorashada 2021.

Xasan Kheyre ayaa doonayay in  la soo afjaro  dooda  sharciga doorashooyin, loona gaari go’aan rasmi ah oo ku saabsan nooca ay noqoneyso doorashadda ay ku imaanayaan Xildhibaanadda labada aqal ee dhamaadka 2020 iyo sida ay noqoneyso doorashada Madaxweynaha ee 2021.

MOl ayaa loo xaqiijiyay in Xasan Kheyre  uu si xoog badan u daneynayo nidaamka 4.5 iyo in xildhibaada ay doortaan ergo qabiilkooda ah oo tiro ahaan gaaraya 100 ergo xildhibaankiiba, sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu uu doonayo in Madaxweynaha ay soo doortaan Xildhibaanada labada gole sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya.

Dhamaan Gudoonka labada aqal ayaa ku raacsan arinta uu soo jeediyey Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre, sidoo kale gudoonku waxay ku qanceen sida Ra’iisul Wasaaruhu uu ugu sharcay xitaa farsamo ahaan sida loo fulin karo iyo mudada ay qaandan karto doorashada.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa si xoog leh u daneynaya in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod oo lagu soo doorto xildhibaanada iyo Madaxweynaha intuba, waxaase moodaan in la gaarey xiligii kala aragti duwanaansha uu banaanka soo bixi jirey.

warar hordhac ayaa sheegaya in kulankii Berito ee baarlamaanka uu Gabi ahaanba uu baaqday.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!