Xaaf oo xoog kula wareegay Xarunta Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Reading Time: < 1 minute

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka ay la wareegeen Xarunta Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Dad ku sugan Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in Ciidamadan ay ka amar qaatan Madaxweynaha Galmudug ee waqtigiisu dhamaaday ee Axmed Ducaale Geelle  Xaaf oo halkaas ku sugan.

Amarka lagula wareegay Xarunta Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa bixiyay Madaxweyne Xaaf, iyadoona markii Ciidanka ay la wareegeen xili weli ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiinta Degmada.

Dhawaan ayay eheed markii xaaf uu sheegay in uu xilkii ka qaaday Duqa iyo ku-xigeenkiisa Galkacyo balse xilka qaadistaas waxaa diiday Duqa iyo kuxigeenkiisa oo Marka xilka laga qaaday ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!