Madaxtooyada maamulka Galmudug ee magaalada Dhuusa-mareeb ayaa xalay waxaa lagu qabtay munaasabad loogu dabaal degayay hal sano oo ka soo wareegatay markii madaxweyne Xaaf loo doortay Madaxweynaha maamulka Galmudug.
Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas`uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaas oo isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo xubno kale.
Axmed Ducaale Xaaf oo munaasabadaas hadal kooban ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay wixi u qabsoomay muddadii sanadka aheed ee dadka reer Galmudug uu hogaaminayay iyo waxa u qorsheysan.
Madaxweyne Xaaf ay tilmaamay in maamulka Galmudug ay u qorsheysan tahay wax ka qabashada kaabayaashe dhaqaale, Al-shabaab oo ay ka saaraan deegaanada ay ku sugan yihiin, iyo arimo kale.