Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Dowlad Goboledka Galmudug oo dhawaanahaan ku sugnaa dalka Kenya ayaa Maanta waxa uu dib ugu soo laabtay Magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Magalada Nairobi ayaa waxa warar soo baxayay waxa ay sheegayeen in uu uga qeyb galay shir ay qaar ka mid ah madaxda Dowlad goboleedyada la yeesheen xubno ka socday Beesha Caalamka,waxaana uu sheegay inaysan jrin wax kulan ah ay yeesheen balse kaliya ay is arkeen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in kulankooda uu 10-ka Bishaan ka dhici doono Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal,waxana Madaxda Dowladda uu ku eedeeyay in weli ay wax war ah ka la’yihiin.
sikastaba ha ahaatee Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo dowlad goboleedyada ayaa weli taagan,iyada oo aan wax xal ah laga gaarin.