Wiilka Muse Bixi oo tagay aaga dagaalka Laascaano si u dhiirigaliyo ciidanka

Reading Time: < 1 minute

Warar aan la xaqiiijin oo MOL ka soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in maanta lagu arkayay jiida hore ee dagaalka magalaada Laascaanood wiilka uu dhalay  Madaxweyne Muuse Bixi kaas oo lagu magacaabo Axmad Muuse Bixi.

Waa markii ugu horeeysay oo lagu arko furimaha dagaalka qaar kamida qoysaska madaxda haysa talada dalka la magac-baxay Somaliland. Wararka ka imaanaya magalaada Laascaanood ayaa sheegaya in ujeeda uu ina Muuse Bixi u tagay furimaha dagaalka ay tahay inuu dhiirigaliyo ciidanka Qaranka ee ku sugan duleedka magalaada Laascaanood.