Wiil uu dhalay Marxuum Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ku guuleeystay Booskii Aabahiis doorasho ka dhacday Muqdisho(SAWIRO)

Reading Time: < 1 minute

Doorashada boos buuxinta Kursigii Xildhibaanimo ee uu ka geeriyooday Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa ka ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Waxaana kurisgan ku tartamay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo uu dhalay Xildhibaanka geeriyooday iyo Axmed Cismaan Xaashi,waxaana ugu dambeeyn codad aqbaliyad leh ku guuleeystay Cadnaan.

Doorashada oo ay goob-joog aheed warbaahinta ayaa aheed mid cod qarsoodi ah waxaana gudigu uu shaaciyay in Cadnaan Cilmi Boqore  uu buuxiyay booskii aabahiis.

Dhawaan ayaa Magaalada Muqdisho lagu dilay Ex-Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore  waxaana ilaa iyo hada aan lasoo qaban kooxdii ka dambeeysay