Wiil Mooto bajaajle ah oo hada lagu toogtay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa Isgoyska Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho ku toogtay  wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay wiilka la dilay iyo askariga kahor inta uusan falka dhicin inuu dhexmaray muran, intaasi kadibna ay xigtay in askariga uu toogto wiilka.

Dilkaan wiilkaan dhalinyaro ah ayaa imaaneysa xilli maanta ay xiran yihiin qeybo ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan shacabka ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo Qoryaha ay wataan ku dhibaateeya shacabka.