Wiil loo heystay sidashada Calanka Soomaaliya oo maanta xabsiga laga daayay

Reading Time: < 1 minute

Soomaaliland ayaa maanta xabsigi ku yaala magaalada Hargeysa ka sii deysay Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Aar oo 14-kii bishaan May ay xabsiga Dhigeen Ciidamada Booliiska Soomaaliland.

Cabdiraxmaan ayaa laga qabtay bartamaha Suuq weyn oo ku yaala magaalada Hargeysa, isaga oo ku labisan dhar uu ku xardhanyahay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Toddobaadyo ayuu xabsiga ugu jiray sababta uu usoo xirtay dhar ka sameysan Calanka Soomaaliya, waxa uuna Khamiistii la soo dhaafay ka soo muuqday Maxakamadda ku taala Magaalada Hargeysa, waxaana Maxkamadda hor geeyay Booliika oo dalbanayay in loo xalaaleeyo xarigiisa si ay ugu sameeyaan baaritaano dheeraad ah, Maxkamadda ayaana Booliiska u ogolatay Todoba Cisho oo maanta ku ekeed.

Cabdiraxmaan Aar oo lagu waday in maanta mar kale la soo taago Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ayaa dib loogu celiyay xuriyadiisa.

Cabdiraxmaan ayaa Guddoomiye u ahaa “Ururka qabyaalad-diid” oo ah urur ka shaqeeya ladagaalanka qabyaaladda,waxaana xubno ka tirsan ururkaas oo hadlay dhawr jeer ay shegeen inuusan dambi lahayn guddoomiyahooda Cabdiraxmaan.