Wiil iyo Aabihiis oo lagu dilay Gaalkacyo

Reading Time: < 1 minute

Askari horay uga tirsanaa ciidamada Puntland laakiin laga ruqseeyay markii uu ku dhacay Xanuunka Neerfaha ayaa xalay Magaalada Gaalkacyo ku dilay Wiil iyo Aabihiis.

Askari ayaa xabado ku furay dad ku sugnaa hoteel ku yaalla Bartamaha Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland, waxaana ku dhintay Wiil iyo Aabihiis.

Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen ninkii falkaasi geystay.

Waxaa uu sheegay in ninkaan uu qabay Xanuunka,islamarkaana horay looga qaaday Qorigii uu watay ,laakiin hadda ay barayaan Qoriga uu dadka ku dilay halka uu ka keenay.