Wiil dhashay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Somaliya oo lagu dilay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dabley hubeysan ay Wiil dhalinyaro ah maanta ku dileen degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

Wiilka dhalinyarrada oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cumar Abshirow, ayaa lagu weerarray xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkeynley, waxaana wararku sheegayaan inay dilkiisa ka danbeeyeen koox burcad ah.

Marxuum C/raxmaan Cumar Abshirow ayaa la dhashay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka, wuxuuna kamid ahaa Dhlinyarada kunool Magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiin kala duwan ayaa tacsi u diray Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka C/llaahu Cumar Abshirow.

Ciidamada Amniga ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxayna ka qaadeenmeydka Wiilka la dilay, waxaase baxsaday raggii dilka geystay.