Wiil Dhalinyaro ahaa oo Caawa lagu dilay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Rag la sheegay inay ahaayeen Burcad ayaa Caawa waxaa ay Wiil Dhalinyaro ahaa ku dileen Xaafada Waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan Gobolkaan Banaadir gaar ahaan agagaarka Masjidka ay dhistay Dowladda Turkiga.

Dilka ka hor ayaa waxaa dad ku sugan meel u dhow halka uu dilka ka dhacay waxaa ay sheegeen in ragga Burcada ahaa ay Wiilka ka qaateen taleefonka Gacanta oo uu watay,hayeeshee muran soo kala dhex-galay,kadib ay dileen.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Sharmaake Maxamed Cabdullaahi uu kooxda Burcada ahi markii ay ka qaateen taleefoonka uu ku yiri waan idin aqoonsaday,sidaasina ay ku dileen.

Si kastaba dilka Caawa ragga burcadda ah Wiilka dhalinyarada ahaa ugu geysteeen Xaafada Jamuuriya weli kama hadlin Maamulka degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir,waxaana uu kamid yahay dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!