Waxaa Goordhow Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya Wiil dhalinyaro ahaa uu ku dilay gudaha Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Suldaan Ismaaciil Shuu,isagoona kamid ahaa dhalinyarada sida weyn looga yaqaanay gudaha Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
Dadka deegaanka ayaa goobta uu dilka ka dhacay tegay waxana halkaasi ka qaadeen Meydka Wiilka,isla markaana goobta si deg deg ah uga baxsaday Askarigii ka dambeeyay falkaas.
Weli lama oga sababta rasmiga ah ee loo dilay Wiilka dhalinyarada ahaa.