Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Boosaaso

Reading Time: < 1 minute

Dhalinyaro ku hubeysnaa Tooreey ayaa waxaa ay xalay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kudileen Wiil Dhalinyaro ah oo kamid ahaa Dhalinyarada Magaaladaas.

Wiilka oo lagu Magacaabi jiray Marxuum Maxamed Jaamac ayaa maalmo kahor dhigtay xafladdiisa qalanjabinta fasalka 12-aad, waxaana uu u geeryooday ooray ay ku dhufteen dhalinyaro ciyaal xaafadeed ah oo uu damcay inuu ka badbaadiyo nin kale oo dhalinyaro ah, isla markaana ay eryanayeen.

Ciidamo katirsan Booliska Puntland ayaa tegay halka ay Dhaoinyarada ku dileen Wiilka yar, balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dhalinyaradii ka dambeeysay falkaas.

Laamaha Amniga iyo Maamulka Magaalada Boosaaso ayaan weli ka hadlin dilka Wiilka Dhalinyarada ah, hayeeshee Ehelkiisa ay dalbadeen in la soo qabto dadkii ka dambeeyay dilka Wiilkooda, isla markaana cadaaladda la marsiiyo.

Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Boosaaso xaafadaheeda qaybtood waxaa laga cabanayay dhalinyaro koox koox u socota oo adeegsanaya tooreeyo iyo agabyo kale oo mararka qaar iyagu dhib isugu gaystaan bulshadana ku dhibaateeyaa.