Wiil Dhalinyaro ah oo isku Dilay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Sida ay kusoo waramayaan Wararka aynu ka heleeyno Xaafada Faanoole oo ku taal degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in halkaasi uu isku dilay Wiil dhalin yaro ah oo aad looga yiqiinay xaafadaas Faanoole,waana arin cuusb oo ay dadku aad ula yaaban yihiin.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay inoo sheegeen in Wiilka dhalin yarada ah ee is dilay magaciisa yahay  waxaana la  sheegay in uu qabay xanuun ku soo kaca oo dhimirka ah maalmihii la soo dhafayna uu ku xirnaa Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho .

Sidoo kale Dadka deegaanka oo aan la hadlnay ayaa inoo sheegay ka hor inta uu san is dilin in uu dhrbaaxyeeyay Hooyadiis oo waayeel ahayd kadibna uu isku soo xiray qol ka mid guriga ay deganaayeen,sidaasna uu isku dilay

Wilkaani ayaa la rumeeysan yahay in uu isku dilay Koronto guriga ku jirtay Maadama la arkay markii qolka loo jebiyay iyadoo ku duuduuban.