Wararka ka imanaya Magalada Muqdisho aya shegaya in Diyaarad sida gargaar ay ka duushay Garoonka Diyaradaha Magalada Muqdisho.
Diyaaradan oo u kireysan Hay’adda WFP ayaa sida gargaar loogu talo galay Shacabka uu sameyey fatahada Wabiga ee Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Diyaaradaan aya la filaya in ay ka degto Magaalada Dhuusamareeb si safar dhinaca dhulka ah loogu geeyo gargaarka ay wado Magalada Baladweyne maadaama Garoonkii magaladaas uu mudo Saddex todobaad ah xiran yahay.
Boqolaal ka barakacay fatahaada uu ka sameeyey Wabiga Shabeelle Magalada Baladweyne ayaa ku sugan duleedka magaladaas kuwaas oo ay ku heystaan dhibaatooyin nololeed.