Warar ka imaanaya magaalada Hargeysa ee gobolka waqooyi galbeed ee soomaaliland ayaa sheegay in xalay saqdhaxe ay dablay hubaysan tacshiirad ay ku furween laba kamid ah wariyeyaasha ku dhaqan magaaladaas kuwaas oo dhaawcyo kala duwan kasoo gaaray weerarka lagu qaaday.
Wariyeyaasha la weeraray oo lagu kala magacaabo Cali Mahdi Jibriil Xasan iyo Cabdi Germany ayaa xilliga la weeraray marayeen sida la sheegay mid ka mid ah waddooyinka magaalada Hargeysa iyaga oo ku sii jeeday guryahooda.
Cabdi Germany ayaa la wariyay in dhaawac culus uu soo gaaray kaasi oo haatan lagu dabiibayo mid kamid ah isbitaallada hargeysa ku yaalla halka Cali Mahdi Jibriil la sheegay in dhaawac fudud uu soo gaaray kaddibna dhaqaatiirta ay u fasaxeen in uu tago gurigiisa markii baxnaano loo sameeyay.
Ciidamada booliiska Somaliland oo falkaan ku soo baxay ayaa baaris ku wada sida goob joogeyaal ay sheegeen sababta falkaan ka dambaysay wallow aan la aqoonsan dablaysa weerarka geysatay. Waxaana xusid mudan in wariyeyaasha la weeraray uu gaarigooda ku bur buray tacshiiraddii lagu qaaday.