“Weerarkii Hotel Saxafi wuxuu ahaa shirqool la doonayey in nalagu dilo..” Waxa yiri…

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyey in isaga iyo xildhibaanno kale ay degan yihiin Hotelka Saxafi, isla markaasina loo qorsheeyay in lagu dilo iyaga.

Xildhibaanka oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in weerarkii 9-kii bishan November ee lagu qaaday Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ay sugayeen dowladda Soomaaliya inay war kasoo saaraan weerarka oo ahaa kii ugu weynaa ee saddex geesood ah, laakiin aanay jirin toddobaad kadib wax war ah laga soo saarin.

“Hotelka Saxafi waxaa degan xildhibaannada labada Aqal iyo siyaasiyiin oo ka badan 50, ooan ka mid ahay, waxayna rabeen inay la laayaan..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo sheegay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaayeen in hubkii ay wateen raggii weerarka soo qaaday uu ahaa kuwii ugu danbeeyay ee laga keenay Jabuuti.

Wuxuu beeniyay in ciidamada dowladda ay dileen kuwii weerarka soo qaaday, balse ay ahaayeen ilaalada Hotelka ee ka hortegay, shakiguna uu yahay in ciidamada dowladda ay sheegeen inay soo afjareen weerarka ayna qaateen hubka qaar ka mida ilaalada Hotelka