Weerar xalay lagu qaaday ciidan fariisin ku lahaa degmada Hodon

Reading Time: < 1 minute

Waxa xalay weerar lagu qaaday Ciidanka ka tirsan dowlada federaalka kuwaas oo fariisin ku lahaa isgoosyka Kaasa -bu-Bulaare degmada Hodan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya hubka loo adeegsaday weerarkaas, dadka qaar waxay sheegayaan in laba bamgacmeed lagu tuuray ciidanka.

Dadka qaar ayaa iyagana sheegaya in ciidanka lagu riday laba xabadood oo ka dhacday qoriga RPG ee Sebenka loo yaqaano, balse si rasmi ah looma oga cidda fulisay weerarkaas iyo waxa loo adeegsaday.

Dowlada Federaalka kama aysan hadlin Wasaarada la dhashay weerarkii xalay loo geeystay Ciidanka dowlada.