Waxaa xalay weerar lagu qaaday bar Kontarol oo ku taalo Caasimadda ganacsiga ee Puntland ee Boosaaso. Barta Kontarol ayaa saldhig ciidan ku leeyihiin ciidamada amniga Puntland.
Xubno katirsan maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab ayaa weeraray kantaroolka, waxaana hadda weli soconaya rasaas ay is-weydaarsanayaan ciidamada ilaalada kantaroolka iyo maleeshiyaadka soo qaaday weerarka.
Lama oga ilaa hada in uu jiro khasaare ka dhashay weerarka Al-Shabaab oo dhacay xilli ay saxmad ka jirtay kantaroolka Boosaaso.
Weerarka argagixiso ee ka soconaya kantaroolka Boosaaso ayaa imaanaya xilli magaalada uu ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.