Weerar Xalay Ka Dhacay Muqdisho iyo Faahfaahino Ka So Baxaya

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay ku qaadeen farisan ay xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ay kaga sugnaayeen degmada Kaxda.

Duulankan aya la shegay in uu horkacayay Taliyaha Nabad Sugidda degmada Kaxda, wuxuuna jawaab u ahaa Askari shalay lagu dilay gudaha degmadaasi.

Weerarka ayaa dhacay xalay abaare 11:00 habeenimo waxa ay ku qaadeen Qabuuraha degmada Kaxda ee loo yaqaano Boqolka Boos, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab.

Labada dhinac halkaasi waxaa ku dhexmaray dagaal kooban dagaal kooban, kaasi oo geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa shalay gelinkii dambe degmada Kaxda waxa ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda oo lagu magacaabi jiray Ilkacase, kadibna waxa ay ka qaateen Qorigii iyo Booshashkii uu watay.