Weerar Xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro geystay oo Xalay  ka dhacay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Qaraxaasi oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaari ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Boosaaso xili uu marayay xaafada Al-raxma ee    magaaladaasi.

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan Ciidanka Boosaaso ayaa ku dhaawacmay qaraxaas oo la socday gaariga uu haleelay,isla markaana waxaa loo qaaday Isbitaal ku yaalla halkaasi oo haatan lagu dabiibayo.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa durbo gaaray Ciidanka Gobolka Bari,kuwaasi oo baaritaano goobta ka sameeyay,hayeeshee ma jirto cid ay soo qabteen.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa muddooyinkii ka dhacayay qaraxyo kala duwan,waxaana ugu dambeysay mid todobaadkan gudihiisa ka dhacay,kaasi oo lagu weeraray Xarunta Maxkamadda Boosaaso,isla markaana waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Ururka Daacish.

Xayeeysiin