Weerar Tooreey oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Reading Time: < 1 minute

Hal qof ayaa ku geeriyooday, 4 kalena wey ku dhaawacmeen weerar Toorey oo ka dhacay caasimadda dalka Holand ee Magaalada Amsterdam.

Wargeyska NL Times ayaa qoray in weerarkaasi oo 11-kii iyo 15-daqiiqo ee xalay uu ka dhacay meel ku dhow Deegaanka Ferdinand Bolstraat.

4 Dhibane ayaa loola cararay Isbitaalka, iyadoo mid ka mid ah uu u geeriyooday dhaawaxyadii ka soo gaaray Tooreydii lala dhacay

Hadal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay inay xireen Nin 29 jir ah oo ka yimid Amstelveen, kaasi oo lala xiriirinayo weerarkaasi.

Booliska waxay sheegeen inay baarayaan weerarkaasi, waxayna meesha ka saareen inuu falkaasi ahaa waxa ay ugu yeereen weerar Argagixiso.