Ururka Al-Shabaab saaka weerar culus ku qaaday deegaanka Daaru-nicmo oo hoostaga degmada Run-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Weerarka oo ku bilowday qarax Ismiidaamin ahaa ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo halkaasi ku dhexmaray ciidamadda dowladda iyo kuwa Shabaab, iyadoo la isu adeegsadah hubka noocyadiisa kala duwan.
Ciidamadda dowladda ayaa la sheegay iney iska caabiyeen kooxda weerarka soo qaaday, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare xooggan oo labada dhinac kala gaaray.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay iney duulaankan ku dishay 20 askari, 10 kalena ay ku dhaawacday, waxeyna warkooda sii raaciyeen iney gubeen laba gaari oo xerada ay weerareen tiilay.
Majirto ilo ka madax banaan kooxda oo xaqiijinaya sheegashadooda, iyadoo saraakiisha dowladda wali aysan wax war ah ka soo saarin weerarkan.
Dowladda Soomaaliya ayaan wax cashir ah ka baran weerarada Shabaab ee isku habka iyo waqtiga ah, todobaadkan unbey eheyd markii Shabaab ay sidan oo kale u weerartay xero ku taala Baardheere, isla bishanna kooxda Shabaab waxey cagta marisay ciidankii ku sugnaa deegaanka Janaay Cabdalla.