Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ciidan Oo Ku Yaala Magaalada Gaalkacyo

Reading Time: < 1 minute

Inta la xaqiijiyay Hal askari oo ka tirsan booliska Galmudug ayaa dhintay laba kale dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii rag hubeysan ay rasaas ay ku fureen xilli ciidamada ay ku sugnayeen kontoroolka koonfureed ee Gaalkacyo.

Saraakiisha Ciidanmada Booliska ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Dhimashada iyo dhaawac ayaa ay timid kadib markii askarta iyo kooxda hubeysan ay ku murmeen bixinta lacag laga rabay baabuur taageyd koontaroolka.

Labada ku dhaawacantay rasaasta la furay ayaa la sheegayaa in la geeyay isbitaalka weyn ee  Gaalkacyo Halkaasi oo lagu dhabiinayo xaaladooda Caafimaad.

Ragii dhimashada iyo dhaawac ka geystay koontarolka ayaa la sheegayaa in ay goobta ay ka baxsadeen iyadoona goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!